Hogaamiyaha Ruuxiga Ah ee Jamhuuriyada Islaamka Ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei oo Sheegay Inay Ku Faraxsan Yihiin Jabka Ku Dhacay Iraa,iil
October 10, 2023 - Written by admin
Hogaamiyaha ruuxiga eeJamhuuriyada Islaamka ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Tehran aysan ku lug lahayn weerarka Xamaas ee Israa’iil, balse wuxuu sheegay sida uu ugu faraxsanyahay waxa uu ugu yeeray guuldarrada militariga iyo sirdoonka “aan laga soo kaban karin” ee gaadhay Israa’iil.
Khudbadiisii ugu horreysay ee telefishinka laga sii daayo tan iyo markii uu dagaalka billowday, Khamenei waxa uu yiri “Waxaan dhunkaneynaa gacmaha kuwa qorsheeyay weerarka.”