berberatoday.com
Wasaarada Maaliayad Aan Weli Go,aan Kasoo Saarin Fadeexadii Xatooyadii Cashuurta Dawlada ee Ka Dhacday Kastamka Berbera.
October 16, 2023 - Written by admin

Wasaarada Maaliayad Aan Weli Go,aan Kasoo Saarin Fadeexadii Xatooyadii Cashuurta Dawlada ee Ka Dhacday Kastamka Berbera.

Wararka laga helayo Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa sheegaya in la Qorsheynayo in la dambabaso kiiskii cadaanka ahaa ee Lagu Lunsaday Cashuurtii Dawlada ee Badeecadii Dekeda Berbera ka baxday ee lagu qabtay Kaantaroolka Bari ee Magaalada Hargeysa ee Haleeya.

Xogo qasrsoon oo aanu ka helay ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay In Gudidii baadhista utumi Berbera ee ka kala socday Waasarada Maaliyada Iyo Laanta Ilaalinta Cshuuraha ee Booliska ucadaatay in Xatooyadaa Cashuurta Dawladu sicad udhacday fadeexadeeduna dul hoganayso Masuuliyiinta Kastamka Berbera gaar ahaan Waaxda rarka iyo Barxada uu Masuulka kayahay Cabdiraxmaan Araweelo sidaasna ay ugu gudbiyeen gudidu Madaxda sare ee Wasaarada Maaliyada Si ay talaabo uga qaadaan cidii xatooyadaa cashuurta ku lug yeelatay.

Gudida ayaa waxa ucadaatay in Badeecada gaadhigaas laga cashuuray oo Kaliya 77 Milyan SL Shilin ah markii uu Dekeda kabaxay Gate Pass-kana sidaas Loogu Jaray Buugaagta Diwaan galinta ee Kastamka, Wasaarada Ganacsiga Iyo Laanta Ilaalinta Cashuuraha ee Turubo Taariyada sidaas lagu galiyay Halka Markii Hargeysa Lagu qabtay ee Dib loo tiriyay uu noqday 425 Milyan SL Shilin taas oo cadaynaysa xadiga Cashuurta Dawlada ee la Lunsanaayay ay ka badantahay inta la cashuuray 7 Jeer,
Xogaha ayaa waxa sheegayaan in Dambabaska kiiskan Lagu Lunsaday Cashuurta lagu xidhiidhiyay Agaasimaha guud ee Wasarada Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan Mu,adinka oo Isagu Kuldadan Xatooyada Sameeyay ka shaqeeyay in Wasiirka Maaliyadu Magacaabo Isaga oo Agaasimuhu ka duulaya inuu Xaaqo Masuuliyiintii hore ee Kastamka Berbera oo ahaa kuwo ku xidhnaa Agaasimihii isaga ka horeeyay ee la Bedelay Maxamed Cabdi Gurxan uuna Magacawdo kuwo isaga ku Xidhan oo la jaanqaada kuwaas oo ah kuwa hada Miinada Musuqmaasuq ku qarxday Waxase xusid mudan in Masuuliyiintaa hore ee Kastamka Berbera bedelkooda lala eegtay Xatooyo Cashuur dawladeed ee Dekeda dhexdeeda ku fashilantay,

Fadeexadan lagu lunsaday Cashuurta dawlada oo ah tii ugu weyneyd ee Ka dhacday Kastamka Berbera Maadama oo Badeecada Lagu Qabatay Hargeysa ayaanay ilaa hada Wasaarada Maaliyadu Talaabo ka Qaadin Masuuliyiinta lagu xidhiidhiyay oo qaarkood laga soo Sheegayo inay ku baanayaan inaan cidina bedeli karin ay haystaan Jirido adag oo kamida Dawlada Dhexe sida ay noosoo dusiyeen Shaqsiyaad ku dhawdhaw Madaxa Barxada ee Kastamka Berbera

Berbera Media Inc

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews