Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku-xigeenka Hoggaamiyaha Al-Shabaab, sannado bandanna uu soo ahaa madaxa Militariga ee Al-Shabaab iyo madaxa Jabhadaha.
Bishiin Jannaayo ee sannadkii 2018, ayaa Wasaarada Arrimaha Dibeddu ay Abuukar Cali Aadan ku dartay liiska argaggixisada.
Maraykanku waxa sidoo kale uu sannadkii hore kordhiyey lacagaha abaalmarinta ah ee lagu doonayo labada Hoggaamiye ee kale ee Al-Shabaab oo kala ah Axmed Diiriye iyo Mahad Karate oo Maraykanku sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 milyan oo Doollar.
Sannadkii 2008, ayaa Maraykanku uu Al-Shabaab u aqoonsaday inuu yahay urur aragaggixiso ah.