berberatoday.com
Dawlada Itoobiya oo Jigjiga Oromada Ku Wareejinaysa Iyo Ujeedada Ay Ka Leedahay Iyo Xogo Kale oo Xasaasi Ah”Akhriso
October 25, 2023 - Written by admin

Addis Ababa (aftahannews)-Dawladda Itoobiya, ayaa bilowday qorshe lagu dhaxal-wareejinayo Soomaalida oo saddex gobol si dadban loogu hoos-geynayo deegaanka Oromada, waxaana qorshahan ku hoos jira hammiga fog ee Itoobiya ay ku doonayso Dekedda Saylac ee Somaliland oo ay dariiqyadii ay u mari lahayd in ay qaadato ay hadda bilawday inay sii xaadh-xaadhato.

Magaalada ayuu Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed go’aamiyey in Jigjiga laga dhigo ismaamul-magaalo si toos ah u hoos-tagta dawladda federaalka sida Addis Ababa iyo Diridhaba oo kale, isla markaana caasimadda Deegaanka Soomaalida loo wareejiyo magaalada Godey, waxaana dhowaan la rari doonaa qaar ka mid ah xafiisyada waaweyn qaarkood oo la geyn doono Godey, ka hor inta aan si buuxda loo rarin madaxtooyada oo dhisme looga binayn doono Godey.

Sida ay muujinayaan xogo uu helay telefishanka Karamardha, Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo dhawr jeer booqasho ku yimid magaalada Jigjiga ayaa waxa uu ku amray Madaxweyne Mustafe in Jigjiga uu u diyaariyo magaalo la-wada leeyahay oo u dhaxaysa quruumaa Itoobiya oo aanay Soomaalida oo kali ah lahayn, taas oo isaguna uu u arkay fursad siyaasadeed oo uu kursiga ugu sii negaan karayo.
Abiy Ahmed iyo xubnaha xisbigiisa ee qaybta Oromada ayaa la sheegay in ay u arkayaan Jigjiga in ay kaga gadaaman tahay oo ay deyr uga tahay dhulka ay doonayaan in ay Soomaalida ka qaadataan.

Qorshaha ayaa waxa ku jira in dhowaan wax laga beddelo qorshahe-hagaha magaalada ama Master plan-ka oo dhinac walba qorshaha magaalada loo ballaadhiyo illaa 20km, si ay magaalada Jigjiga u hoos yimaaddaan qabaleeyo hoos taga Deegaanka Oromada taasina xoojiso dooddooda ah in magaalada ay wada leeyihiin Soomaali iyo Oromo.

Qaar ka mid ah madaxweyneyaashii hore ee Deegaanka Soomaalida oo la sheegay in lacago la siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay arrintan oo waliba codsaday in caasimadda deegaanka laga wareejiyo Jigjiga oo la geeyo Godey, si uu u hirgalo qorshaha dawladda federaalka Itoobiya, sidoo kalena waxa jira odayaal dhaqameed Addis Ababa u tegay isla arrintan oo dabada ka riixaya sidii uu u fuli lahaa qorshahan.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa la sheegay in dhowaan uu la kulmay Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumed Qani oo uu u sheegay qorshahan, balse ugaaska ay arrintani anfariir ku noqotay oo uu isku dayay inuu ku qanciyo Mustafe Cagjar in uu arrintan hor istaago, isaga oo u tilmaamay in Jigjiga ay DDS xandaab uga tahay Oromada oo damacooda ay hor-joogto, laakiin uu madaxweynuhu ku adkaystay in haddii uu Ugaasku uu ka shaqayn waayo in Godey ay noqoto magaalo madaxda, in ay u weecin doonaan Qabridaharre.

Xogta uu helay Telefishanka Karamardha ayaa intaa ku dartay, in marka Jigjiga loo aqoonsado ismaamul gaar ah, in la bilaabi doono in gobolka Faafan dhamaantii lagu daro Oromiya iyadoo haddaba degmooyinka qaarkood ay ka socdaan olole ay dadka qaarkood ugu gogol-xaadhayaan in degmooyinkooda laga qaado afti si ay Oromiya ugu biiraan.

Wajiga labaad ayaa waxa sidoo kale ku jira in gobolka Jarar, gaar ahaan degmada Cobolle ee ay ku yaallaan ceelasha shidaalka iyo inta ka sokaysa laga dhigo dhul lagu muransan yahay, kaddibna la raaciyo dhinaca Oromada.

Xuduudka Oromiya, ayaa sida uu qorshaha hadda yahay waxa uu noqon doonaa magaalooyinka Dhagax-buur iyo dhinaca Somaliland oo Oromiya ay xuduud kala yeelan doonto Wajaale iyo Borama.

Gobolka Sitti, ayaa geli doona candho-dhexe oo ka gu’i doona khariidadda Deegaanka Soomaalida, kaddibna waxa loo kala qaybin doonaa deegaannada Oromada iyo Canfarta oo midba degmooyin la hoos geyn doono.

Xogtan uu Telefishanka Karamardha helay, ayaa waxa ay intaa ku daraysaa, in marka lasoo gabogabeeyo wajiga koowaad ee qaybsiga gobollada Faafan, Jarar iyo Sitti, in Itoobiya ay u jeedsan doonto sidii ay ku heli lahayd dekedda Saylac maadaama xuduudka hadda u diyaarsan uu yahay magaalada Boorama.

Xogo Sirdoon oo Kaaraamardha TV haley, waxa ay sheegeen, in qorshaha Saylac ay Itoobiya dejisay sannadkii 2011, waqtigaas oo lagu amray Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) in uu si toos ah u weeraro Saylac oo uu qabsado, kaddib markii ay halkaas kasoo degeen dhawr boqol oo qof oo ka tirsanaa jabhadda ONLF dabayaaqada 2010-kii, waxaana qorshaha weerarka lagu amray Cabdi Ilay iska lahaa ciidamada Milateriga iyo xisbigii EPRDF ee talada hayay, laakiin sirdoonka Itoobiya ayaa joojiyey tallaabadaas, waxaanay dejiyeen qorshe fog oo ay Itoobiya ku helayso Saylac. 

Xogtan Sirdoon, ayaa waxay intaa ku daray, in sirdoonka Itoobiya ay usoo jeediyeen xisbigii EPRDF in Somaliland laga dhaadhiciyo in garoonka diyaaradaha ee Hargeysa uu maalgelin ku sameeyo maalqabeenka reer Itoobiya ee Al-camuudi, loona saxeexo heshiis 100 sannadood ah, kaddibna garoonka diyaaradaha ee Berbera ay haddana heshiiskiisa ka shaqeeyaan.

Labada garoon, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in ay xuddun u noqdaan in gudaha Somaliland lagu beero dad taabacsan Itoobiya, isla markaana si hoose ay u noqdaan xarumo milateri oo fulin kara qorshaha Itoobiya iyadoo ciidamo lagu diyaarinayo gudaha garoomada, kuwaas oo loo xidhayo shaadh ah in ay yihiin ilaalada garoomada. Inkasta oo sidaa loo diyaariyey qorshahaas, haddana Itoobiya umuu hirgelin qorshahaasi.

Haddaba, si aanu faahfaahin dheeraad ah uga helno qorshahan halista ah iyo biyo-dhaciisa, waxa aanu khadka telefoonka kula hadalnay aqoonyahan Axmed Cabsiiye.

Haddaba, Xogtan iyo Waraysiga ku xidhiidhsanba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose, si aad u daawato hayleyt-garee linksyada casaanka iyo buluugga ah, ka dibna ku dhufo open Facebook markuu kuu soo qoro:-

https://fb.watch/nU2HRKPpm1/?mibextid=Nif5oz

https://fb.watch/nU2TLiM7eL/?mibextid=Nif5oz

https://fb.watch/nTO-24ZzQ6/

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews