Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Jsl Oo Kulan la Qaatay Masuuliyiinta Baanka Dhexe
November 2, 2023 - Written by admin
Guddida joogtada iyo anshaxa ee Golaha wakiilada JSL ayaa maanta oo (Arbaca) ah waxay kulan xog-waraysi la qaateen masuuliyiinta BAANKA DHEXE JSL oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baanka DHexe Md. Dr. Cali C.laahi Daahir…..
Kulankan oo uu shir-gudominayey Gudomiyaha Guddida joogtada iyo Anshaxa ee golaha wakiilada Md. FAYSAL YUSUF JAMAC ayey u jeedadiisu ahayd kulan xog-waraysi, iyo ka warbixinta xaalada guud ee Dhaqaalaha Dalka iyo Shaqada ay qaranka u hayaan,Waxqabadka baanka dhexe, waxyaabaha u qabsoomay iyo waxyaabaha aan u qabsoomin inuu warbixin ka siiyo Guddida.