Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM oo Muddo-kordhin Loo Sameeyey
November 5, 2023 - Written by admin
Qaraar tirsigiisu yahay 2705 oo ay si wadajir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, ayaa ka codsanaya xafiiska UNSOM inuu sii wado joogteynta iyo xoojinta joogitaankiisa Soomaaliya iyo wadashaqeynta Midowga Afrika.Xafiiska UNSOM, waxaa lagu dhiirrigeliyay inuu isku dubbarido dedaallada Qaramada Midoobay iyo taageeridda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, ee dardargelinta hirgelinta Istaraatiijiyadda xasilinta Qaranka iyo dhisidda nabadda Soomaaliya.
UNSOM, ayaa la aas aasay June 2013, si uu u taageero dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya. Xafiiska UNSOM, ayaa dhawaan sheegay in bixitaanka ATMIS uunu saamayn ku yeelan doonin joogitaankooda Soomaaliya.
Golaha Ammaanka, ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay is-hortaagga gargaarka Bini’aadantinnimo iyo beegsiga shaqaalaha caafimaadka.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa dhawaan loo gudbiyay warbixin ku saabsanayd shakhsiyaad ku lug leh rabshadaha Laascaanood oo ay ku jiraan beegsiga dadka rayidka ah, xarumaha caafimaadka, iyo shaqaalaha ka shaqeeya caafimaadka.