berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo War kasoo saartay dagaal Maalintii Labaad ka Socda deegaanka Buqdharkayn.
November 10, 2023 - Written by admin

WAR-SAXAAFADEED

Waxaa maalintii labaad weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, kooxda argagixisada ah uu hogaamiyo Cabdi Madoobe, Huwanta ka dagaalanta bariga Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya.

Dadka shacabka ayaa iska difaacay weerarada ay soo qaadeen kooxda argagixisada ah iyo Huwanta, weerar kaasoo ahaa dagaal badheedha oo lagu soo qaaday shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabada jecel, weerarkan ay soo qaadeen maalintii labaad ayaa muujinaya sida aanay marnaba u doonayn nabad.

 

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda ka  saaran ilaalinta shacabka iyo difaaca Qarannimada ayaa u diray degaanka Buq-dharkayn Cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran waxayna cagta mariyeen kooxaha Huwanta, Argagixisada uu hogaamiyo Cabdi Madoobe iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya ee soo duulay.

Waxaa soo gaadhay kooxaha Huwanta khasaarihii ugu waynaa, waxayna la kulmeen jab aanay mahadin. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa in ay sugayso oo ilaalinayso amniga guud ee shacabkeeda iyo xuduudeheeda, waxayna Ciidamada Qaranku amar ku qabaan difaaca dalka iyo in ay cashar u dhigaan cadow kasta oo soo hawaysta Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews