Qaramada Midoobay Oo Hakisay Ka Bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya!
November 11, 2023 - Written by admin
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay hakiyeen muddo saddex bilood ah bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Go’aankan ayaa daba socda codsi ka yimid Soomaaliya oo ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Codsiga Soomaaliya waxaa taageeray Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka ku deeqa ciidamada xoogga dalka, waxayna isku raaceen in muddo 90 maalmood ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika.
Qaramada Midoobay ayaa wada hadalo kula jirta Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) si loo xaqiijiyo in isbedel amni lagu guuleysto.