|
berberatoday.com
Somalidu Xilimay Ayay Gashay Dalka Finland Waxa Qoray Axmed Kadiye
November 18, 2023 - Written by adminSoomaalida iyo dalka Finland
Bilawgii bishii May 1990 koox rag Soomaali ah ka kooban ayaa tareen kasoo raacay xarunta tareemada laga raaco ee Moscow Leningradsky railway station ee dalka Ruushka.
Waxay ahaayeen rag aad u labisan, waxayna wajahadooda ahayd oo ay u socdeen magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Visa iyo wax dal ku gal dhanka Finland ah ma aysan haysan, lkn dowladdii Sofiyetiga ayaa u ogolaatay inay xadka ka gudbaan. Tareenkii ay saarnaayeen markii uu xadka Finland soo gaarayne raggii way is dhiibeen oo megangalyo ayay codsadeen.
Dowladda Finland waxaa ku adkaa balse ay raadisay dad tarjumaano Af-Soomaali ku hadla iyo warqadaha la buuxbuuxinayay oo Soomaali ah inay hesho, howl ayayna gashay.
Labadii Isbuuc ee bishaas May 1990 ugu horeysay 60 qof oo Soomaali ah ayaa timid oo is dhiibtay. Dowladduna waxay qiyaastay in illaa iyo 6 bilood ay ku qaadan karto ka shaqeynta feelalka qaxootigaas, balse waxaysan dowladdu ogeyn in tiradaasi ay bilaaw ahayd un.
Sanadkaasi 1990 dhamaadkiisa tirada Soomaalida dalkaasi soo gashay ee iska dhiibtay waxay noqdeen 1,450 qof.
Maanta waxaa dalkaasi ku nool Soomaali tiro ahaan ka badan 24,600 oo qof.
Soomaaliduna waa jinsiyadda 4aad ee ajaanib ah ee dalkaasi degan, Ruushka, Estoniyaanka iyo Ciraaqiyiinta kedib.
Sidaasoo ay tahay Soomaalida dalkaas waxay kala kulmaan cunsuriyad aad u weyn. 40% dalka u dhashay Finland waxay sheegeen inaysan u riyaaqeynin haddii uu qof Soomaali, Muslim ama Qaxooti ah deriskooda uu noqdo.
89% Soomaalida dalkaasi degan ee la wareystay waxay sheegeen inuu mid walboo kamid ah uu ugu yaraan mar cunsuriyad kala kulmay dhanka shaqada.
Sheekadaan iyo taariikhdaan xasuusteeda ayaa waxay ku timid hadda markii uu qaxootiga u furmay xadka Ruushka iyo Finland, isla markaasna ay dowladda Finland sheegtay inay isla Sabtidaanba xadka xireyso, dowladda Ruushkana ay si kas cad ah qaxootiga ugu soo fasaxday.
Joornaalka NZZ oo dalka Swisska kasoo baxa ayaa warbixintaasi galabta qoray.
Sawirkaan hoose waa rag Soomaaliyeed oo 1990 Finland iska dhiibay.
Habeen wanaagsan – Ahmed Kadiye
COMMENTS
|
||||
|