“Waxaanu ka Digaynaa In La Celiyo Shidaalkaas, Iyada Oo Loo Danaynayo, Shirkado Ay Madaxtooyadu Leedahay, Oo Caadaystay In Dhiig-miirtaan Dadka”Xoghaye Xamse Khayre.
November 20, 2023 - Written by admin
Shidaal qiime Jaban, waanu soo dhawaynaynaa
Waxaanu soo dhawaynanaa talaabo kasta oo keenaysa in naaftada/shidaalka qiimihiisu jabo Isla markaana meesha ka saaraysa go’aankii hore ee Salfarta lagaga dhigay 500 ppm wax ka hooseeya. Waxaanu qabnaa in mudnaantu tahay nolosha dadka, dalkuna qaadi Karo salfar ilaa 3000 ppm ah.
