Dawlada Somaliland Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Ku Biirista Somaliya Ee Ururka Bariga Africa!
November 26, 2023 - Written by admin
Somaliland ayaa ka biyo diiday ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda, ayaa lagu cambaareeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka, iyada oo lagu sheegay in ay tahay talaabo lidi ku ah madaxbaannida Somaliland.
“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aad uga walaacsantahay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxa aanu aaminsanahay in ay tahay meel ka dhac cad oo loo gaystay madaxbannaanida Somaliland”.