Shirka Walaaleye ee Beelaha Ciise Muuse Iyo Habar Yoonis Burco Uga Furmay Saaka oo Lagu Kala Qaatay Mag 200,000$ Ah Iyo Hubkii Lakala Qabsaday oo Laysu Celiyay
December 12, 2023 - Written by admin
Shirka dib u heshiisiinta Walaaleeye ee beelaha Ciise Muuse iyo Habar Yoonis Burco maanta uga furmay ayaa lagu kala Guddoomay $200,000$ oo Mag labada dhinac ka kala timi iyo hubkii la kala qabsaday dagaalkii hawdka Burco gaar ahaan deegaanka Cali Saahid.
Shirka oo maanta furmay ayaa sii socon doona maalmaha soo socda iyadoo lagu adkayn doono Nabada iyo wada noolashaha beelaha walaalah ah ee kuwada nool deegaamada Hawdka Gobolka Togdheer oo waayadan dambe shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhawaac ka jirtay.