Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ugu Saraysa Haayada UNDP!
December 18, 2023 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda JSL mudane Prof. Yaasiin X Maxamuud Xiir ( Faratoon) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa ugu sareeya xafiiska UNDP ee Somaliland iyo Somalia. Kulankan oo ujeedadiisa guud ay daaraneyd isbarasho iyo is xogwareysi u dhaxeeyey labada dhinac ayaa waxaa lagaga wada hadlay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin waxyaabihii ay UNDP la soo qabatey Golaha Wakiilada tobankii sano ee ugu dambeeyey iyo waxyaabaha golaha muhiimka u ah ee ay tahay in ay UNDP iyo Golahu kasii wada shaqeeyaan, sida hawlaha ku xusan qorsheyaasha 5ta Sano ee golaha ( 5 years strategy plan) .