Dawlada Mareykanka Oo Ku Dhawaaqay Tallaabo lagaga Hortagayo Amni Darrada Kasoo Korodhay Marin Biyoodka Badda Cas!
December 20, 2023 - Written by admin
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Isbaheysi caalami ah oo diiradda saaraya ammaanka Badda Cas, kadib weeraro is daba joog ah oo lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee mara marinka muhiimka ah ee maraakiibta.

War qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa waxa uu ku sheegay in weerarada Xuutiyiinta ee aan ka fiirsiga lahayn ee ka imanaya Yemen ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga “ay halis galiyeen isu socodka xorta ah ee ganacsiga, khatarna galinaysa badmareenada aan waxba galabsan, waxaanay jabinayaan sharciga caalamiga ah”.