Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Hogaanka Ciidanka Booliska Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
January 7, 2024 - Written by admin
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kullan muhiima la qaatay saraakiisha ugu saraysa Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Kullankan Wasiirku la qaatay Taliyaasha Ciidanka Booliska, Taliye qaybeedyada iyo saraakiisha kale ee Ciidanka Booliska ayaa ku saabsanaa dardargelinta shaqada culus ee ciidanka Boolisku u hayaan bulshada iyo guud ahaan Qarankaba.