|
berberatoday.com
Ciidanka Itoobiya oo Askari Ciidanka Somaliland Katirsan Iyo Qof Shacab Ah Ku Dilay Deegaanka Qoolbuulale
January 12, 2024 - Written by adminAskari Ciidanka Somalind ka tirsan & Nin shicib ah ayuu Askari Liyuu Police ahi caawa 7dii fiidnimo ku dilay Tuulada Qool-buulale oo xuduuduku uu marto”
_______________________
Tuuulada #Qool_buulale waxay koonfur Bari ka xigtaa Degmada Salaxlay waxaanay ku taalaa xuduudka oo waxay dhinaca Bari kala simantahay Tuulada Kastamku yaalo ee #Ina_Guuxaa.
Sida caadiga ah Tuulooyinka xuduudku maro waxaa wada degan Ciidamada Bilayska ah ee labada Dawladood ee Ethiopia & Somaliland waxaana mararka qaar ka dhex dhaca isku dhacyo ku kala yimaada Bilayska labada dhinac.
Askari dhinaca Bilayska Ethiopia ka soo jeeda ayaa Rasaas ku furay Askariga Somaliland ka dib markii ay is af dhaafeen waxaana Rasaastii ay ku dhacday Hal Askari oo Somaliland ka tirsan & hal Qof ka mid ah shicibka Tuulada degan
Rasaastii uu riday Ninka Liyuu Booliska ah ayaa dishay labadaa qof ee aan kor ku soo sheegay waxaana gadooday oo hubka qaatay Dadkii Tuulada joogay & qaar ka soo gurmaday Tuulada Lebi-Sagaala oo qofka shicibka ee meesha ku dhintay ay ehelkiisu deganaayeen.
Asakarigii dilka gaystay & dhamaan Ciidamadii Liyuu Booliska ayaa laga eryadey meeshii ay hore u joogeen kuwaas oo u baxsaday xaga wadada Qaaxo oo ka saraysa ama koonfur ka xigta wadada Xuduudka marta.
Asakariga dilka geystay ayaa haybtiisu tahay Ogaadeen.
Sidoo kale Askariga dhintay ee ka tirsanayaa Ciidamada Somaliland ayaa isagana haybtiisu tahay Ciise Muuse.
Qofka shicibka ah ee Ninkaa Liyuu Booliska ahi dilay ayaa isagana haybtiisu tahay Ciidagale kana sii ah Bahdeylo.
Berberatoday.com
COMMENTS
|
||||
|