Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex Oo Haayada Sirdoonka Jsl Ku Amartay In Kiiska Gudoomiyaha MMTV Ay Ku Wareejiyaan Ciidanka Booliska
January 14, 2024 - Written by admin
Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ahna Madaxa xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Maroodijeex, Cabdiraxmaan Iid Maxamed, ayaa ku Amray Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee Somaliland in uu Kiiska Guddoomiyaha MM-TV ku Wareejiyo Hogaanka Baadhista Dambiyada Ee Booliska.
Amarka Xeer ilaaliyaha ayaa soo baxay kadib markii shalay Maxkamad Militeri la Horgeeyay guddoomiyaha MM-TV, Maxamed Cabdi Ilig oo Xidhan Maalintii 9-aad.

