Madaxweyne Muuse Biixi oo Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Xubno Kamid Golaha Wasiirada Somaliland
January 25, 2024 - Written by admin
Wareegtooyin Madaxweyne 24.01.2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ku: Cabdixakiim Siciid Bustaale
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
1. In Dr. Rooble Muuse Cabdi Cilmi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland