Madaxweyne Muuse Biixi oo Galabta Si Lama Filaana Loogu Arkay Mukhaayada Ku Taala Suuq Weynaha Gabiley
January 29, 2024 - Written by admin
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo safar kadisa galabta ku tagay Gabilay goob fagaare Ahna kula shaahay Shacabka iyo Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada.
Madaxweynaha ayaa waxa safarkii kadiska ah ku wehelinaayay Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.
Madaxweynuhu wuxu kormeer ku sameeyay Dhismaha wadada Berbera Coridor qeybta Wajaale iyo kala baydh isku xidha.
Madaxweyne Muuse Biixi oo aanay ilaali badani la socon ayaa socdaalkiisa markaliya ay ku wa heleen shacabka Gabilay isaga oo kala shaahaynaya Mukhaayada Caanka ah ee Cali Xawaash oo ku Taala Badhtamaha Magaalada Gabilay,