“Berberi Ka Weyn In Xashiish Lala Soo Doonto”Xoghayahay Ururka Kaah ee Gibolka Saaxil Shaakir Cabdillahi
February 3, 2024 - Written by admin
“BERBERI KA WEYN IN-XASHIISH LALA SOO DOONTO”
Xoghaye Ahmed Shaakir Cabdilaahi.
Buskan waxa saaran koox ka mida kooxaha horyaalka somaliland ciyaaraya ee berbera ka furmaya sida idiin muuqata waxay sitaan macal furaashyadii ay ku seexan lahaayen kolay macal cuntadiina way sitaan , magaalada berbera ee horyaalka lagu qabanayo miyanay xaq u laheyn in dhaqaale kasoo galo koobka ay Marti gelinayso hadii koox waliba wexeeda soo qaadato anaga ma hawl iyo rabash uunba nalala soo doontay
sidoo kale waxan ogahay in xata dadka ka shaqeynaya koobka laga keenay hargeisa dhalinyaradii berberana laga dhaariyey in qof ka midi ka shaqeeyo Marka masuuliyiinta sare ciyaaraha gobolka laga reebo arintaasi haday dhacdona maxaa noo diidaya anaguna ka reer berbera ahaan inanu daawan weyno koobkaba oo qaadacno hadii kale hala saxo khaladadka jira berbera ma noqon doonto meel la iskaga soo xisaabtamo oo la iska qaato wixii la doono mana noqon doonto meel xashiishka lagu soo daadiyo
Xoghaya Urur Siyaasadeedka KAAH – ee gobolka saaxil Ahmed Shaakir Abdilaahi 
