Madaxweynihii Dalka Namibia Hage Geingob oo Geeriyooday
February 4, 2024 - Written by admin
Madaxweynihii dalka Namibia Hage Geingob ayaa geeriyooday isaga oo ahaa 82 jir .
Waxa uu ku dhintay magaalada caasimada ah Windhoek, ka dib markii saddex toddobaad ka hor la shaaciyey in laga daaweynayo cudurka kansarka .
Geerida Madaxweynaha waxa ku dhawaaqay Madaxweyne ku xigeenka Nangala Mbuma .
Madaxweyne Geingob , waxa uu aad u taageersanaa dacwadii Koonfur Afrika gaysay maxkamada cadaallada ee ICJ ee ku eedaysay Israa’iil xasuuqa Falastiiniyiinta.