Gudoomiyaha Dalada Guud ee Ururada Aan Dawliga Aheyn ee Sonsaf Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo Ka Digay In Baraha Bulshada Si Khaldan Loo Isticmaalo
February 8, 2024 - Written by admin
“Baraha Bulshada iyo guud ahaan saxaafaddu waa aalad manfaceeda iyo dhibaatadeedu ku xidhanyihiin kolba sida loo adeegsado. Muddooyinkii u dambeeyay waxa soo badanayay dadka u isticmaalaya baraha bulshadaha si ka baxsan Diinta, Dhaqanka iyo Asluubta wanaagsan.
Dadkaas waxa laga yaabaa in badankoodu aanay ku baraarugsanayn dhaawaca naftooda marka laga yimaaddo ay gaadhsiinayaan bulshadooda iyo raadka xun ee ay u dhitaynayaan jiilalka yaryar oo ay ugu horeeyaan ubadkoodu.
Marka laga yimaaddo sida dhaqanka iyo diintaba ka baxsan ee loo isticmaalo baraha Bulshada, waxa iyana dhinac socota faafinta warar aan sugnayn iyo ku xadgudubka xogta gaarka ah ee dadka isticmaala baraha bulshada.
Waddamo badan oo dunida ah ayaa soo saaray xeerar hagaya baraha bulshada, sidoo kalena shirkadaha leh aaladaha kala duwan ee baraha bulshada ku waajibiyay in ay xeerarkaa ku ilaaliyaan dadka adeegsada baraha bulshada.
Doodo badan ayaa ka taagan xeerarka baraha bulshada lagu soo rogo, iyada oo dad badan ku doodayaan in dawladaha dunida sadexaad xeerarkan u isticmaali karaan in ay ku cabudhiyaan xoriyadda hadalka.
Haddaba, dadka reer Somaliland waxa u taala sidii ay u ikhtiraaci lahaayeen hab lagu xakameeyo adeegsiga xun ee baraha Bulshada islamarkaana lagu damaanad qaadi lahaa in aanay xeerarkani khatar galin xoriyadda hadalka.
Waxa Qoray Gudoomiye Anwar Cabdiraxmaan Warsame