Dowladda Imaaraadka Carabta Oo War Kasoo Saartay Saraakiil Ciidamadeeda Katirsan Oo Lagu Laayay Magaalada Muqdisho
February 11, 2024 - Written by admin
Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay inay geeriyoodeen saraakiil ciidan oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Baxreyn oo ay weheliyaan labo kale oo lagu dhaawacay weerarkii xerada Janaraal Goordan.
Wasaaradda waxay sheegtay in saraakiishaan ay geeriyoodeen iyagoo gudanayay waajibaadkooda ku aaddan tababarida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasoo qayb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo dowladda Soomaaliya oo ku qotoma iskaashiga milateri ee labada dal.