Shaqadii Dekeda Berbera Oo Saaka La Joojiyay Iyo Wasiir Maxamud Xaashi Oo Amarkaas Bixiyay
August 1, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi ayaa amar saaka ku bixiyay in guud ahaan shaqada Dekeda Berbera la joojiyo albaabadana loo laabo cid gali kartaana aanay jirin, Waxaana ilaa saaka afaafka hore ee Dekeda Berbera meehanaabaya ganacsatadii badeecadaha kala bixi jirtay Dekeda Berbera oo loo diiday gabi ahaanba inay Dekeda galaan.
sidoo kale waxa uu Wasiirka Madaxtooyadu kulan aan wax natiijo ahi kasoo bixin kula yeeshay aqalka Madaxtooyada shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera qeyb yar oo kamida kuwaas oo ahaa Madaxda maamusha Muruqmaalka Dekeda Berbera ka shaqeeya oo tiradoodu ko usdhaafayso 4000 ruux. kulankaas oo ay gadood kaga soo dareeren shaqaalaha iyo madaxoodu ayaa loo balamay kulan danbe oo galabta ah sida ay noo sheegeen xubno katirsan Maamulka iyo Madaxda shaqaalaha muruqmalka Dekedu.