Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Soo Bandhigay Xog Ku Saabsan Sida Ay Ku Timid In Ururada/xisbiyadu Ku kala Baxaan Boqollayda Gobolada!
February 18, 2024 - Written by admin
Laga soo bilaabo sannadkii 2002, tartanka ururada/xisbiyadu waxa uu ahaa mid ku dhisan boqollayda gobolada. Mar qudh ah wax lagama bedellin. Wax ka bedelka ay Baarlamaanku sameeyeen dhowaan ma saamayn boqollayda gobolada. Waxa is waydiin leh, xaggee ayuu ka yimi boqolayda goboladu?
Qodobka 9aad ee dastuurka Somaliland oo ah qodobka keliya ee ka hadla xisbiyada, waxa uu tilmaamay laba arimood:
- In xisbiyada Somaliland aanay ka badnaan karin saddex xisbi.
- Inay reeban tahay (prohibition) in xisbi siyaasi ah lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.
Markii la samaynayay Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14, sanadkii 2001 waxa soo baxday laba waydiimood oo muhiim ah. Kuwaas oo kala ah: