Aniga oo ka mid ah waxgarada bulshada gobalka Saaxil waxaan halkan u muujinaya taageero Suldan Cali Saleeban Mohamed
August 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
XIISADAHA SOO NOQONAYA EE GOBALKA SAXIIL
UGUUS CISMAAN ISMACIIL
Aniga oo ka mid ah waxgarada bulshada gobalka Saaxil waxaan halkan u muujinaya taageero Suldan Cali Saleeban Mohamed oo lagula kacay xadhig xaq daro ah oo baal marsan xaquuqda qofka muwaadinka ah iyo dastuurkaba ,waxan halkan fariin ugu diraya xukuumada inay xoriyadiiisi ugu soo celiyaan si bilaa sharuud.
Waxan sidoo kale canbaaraynayna tacadiyada isdaba jooga ah, oo ay ka midka yihiin xadhiga iyo waliba jidh dilka ee lagu hayo bulshada gobalka saaxil,waxanan si buuxda utaageersan nahay shirka Dan iyo Duco II ee bulshada gobalka reer saaxil kaga tashanayaan ayaaahoooda iyo mustaqbalkoodaba.
Shirkan waxa u la mid yahay shirar beeleedyada kala duwan ee dhacay dhaman wadanka oo dhan ,ee waliba ugu danbeeyay shir beeleedka 29.07.2016 ka dhacay Qoryooley ee beesha muuse Abokar Ahmed
kaga arinsanayeen arimooda gaarka, oo waliba goob jooga ka ahaayen Maxamud xaashi iyo Cali marexaan .
Marka xukuumada waa inay laba kal dayso inanay shirarka qaarna ay xaraantimayso oo ay xajiimayso halka ay qaarna u istimaalayso dhaqaalihi gobalk saaxil.
Marka waxanu u sheegayna xuukumada cadceededu sii dhacayso, ee mudo xileedkeeduna gaabaabsiga yahay inanay marmarsiiyo cusub oo ay ku korodhsato mudo xilleed cusub ka helaynin gobalka saaxil .
Waxan xukuumada ugu digayna inay kawantowdo fara galinta ba’an ee ay ku hayso gobalka saaxil oo ay xaalado ka hurinayso iyo waliba shirarka ay danahooda kaga arinsanayaan , waxan ugu busharaynayna in shirkii beesha gobalka saaxil uu ku dhici doon xiligi loo mudeeeyey oo aanan cidna u daba fadhiisan doonin qabsoomidiisa .