berberatoday.com
‘IMIKA SHIRKAN BAXRASAAFKA XUKUUMADDU SI ADAG AYAY UGA HORTIMID ILAA HEER AY DIIDAY IN LA QABTO. WAXANA LOO FAHMAY AMA LOO FASIRAY REERAHA KALE WAA LA OGOL YAHAY INAY SHIRAAN LAKIIN CIISE MUUSE DAWLADDU UMA OGOLA INAY SHIRAAN!!! CALI GURAY
August 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Dab haduu wax tarayana

Dogobyaa la saaraa

Deegaanka nabadiyo

Haduu degelka gubayana

Dambas lagu hagoogyaa

Doox lagu faruuryaa

In la demiyo weeyaan

Marka aynu dib ugu noqon taariikhda shirarkii reeraha ee ka dhacay

Somaliland tiro ahaan lama koobi karo. Welina lama hayo reer shiray oo

go’aankoodu noqday xumaan ay isku soo raaceen. Hadii ay jiraan kuwo si

gaar ah farta loogu godi karo waxay noqon karaa xilyadii adkaa ee

dagaalada sokeeye dawladnimaduna ay bilawga ahayd xataa Ciidamo amni

qaranba aanay jirin. Intii ka dambaysay 1997kii intii shirar ay reero

qabsadeen waxa ka soo baxaa waxad moodaysay in aanay waxba ku kala

duwanayn. Xataa dhinaca siyaasadda ma jiro shir reer oo talo ay ka

midaysan yihiin reerku ka soo saara ama ha sheegaan ama ha qarsadaan

eh marka laga reebo Shirkii Gar adag iyo ardaayo Musharax Baarlaman ama

Gole Degaan isku soo raaca oo ku kala reeba shir doceed ay yeesheen.

Imika Shirkan Baxrasaafka xukuumaddu si adag ayay uga hortimi ilaa

heer ay diiday in la qabto. Sheekada suuqa waxa loo fahmay ama loo

fasiray reeraha kale waa la ogol yahay inay shiraan lakiin Ciise Muuse

dawladdu uma ogola inay shiraan. Taas ayaad moodaa inay xamaasad

dheeraad ah iyo ficil sii kordhisay sua’aashu waa waayo? Jawaabtu ma

adka oo waxaynu ku soo duuduubi karnaa XAALADDA BERBERA ee kacsan.

Weliba in kasta oo arimo kale ay jiraan waxa ugu wayn arinka Mashruuca

Dekedda Berbera ee DP World oo aynu ognahay ugu dambaysta in

go’aankeeda aan reer yeelan karin ee dawladdu leedahay iyada oo inta

badan shacbiga iyo gaar ahaan dadka degaankaba ay tahay inay fahamaan

ama la fahamsiiyo ahmiyadda Mashruucan u leeyahay Somaliland si

shakigu meesha uga baxo.

Marka aynu sidaa ognahay hadii uu qabsoomo Shirka Baxrasaafku go’aan

arinka Mashruuca Dekedda ku saabsan oo reerka oo dhami isku raaci

karaan taageero iyo diidmaba kama soo bixi karo waayo dee reerku waa

sida reeraha uun waxay xaq u leeyihiin iyo waxa aanay xaqa u lahayn

hadii aanay wada garanayn in badan oo garanaysa ayaa jirta. Midda kale

ma jiraan dhinaca siyaasadda iyo danaha gaarka ah reer kuligood ka

midaysan ee waxay leeyihiin muxaafid iyo mucaaridba. Hadii ay dhac cid

isku dayda inay teeda gaarka marsato markaana Go’aanka Shirku ma noqon

karo mid keliya ee waxa dhici karta in laba go’aan laga soo kala

saaro.

Sidaa daraadeed anigu si ay xeegana xeego u noqoto ilkana u nabad

galaan  Xukuumadda waxan kula talin lahaa  u ogolaada reerka yidhi

waanu shiraynaa shaqadiinana dee qabsada idinka ayaaba dawlad ahe

 

QALINKII: Muj cali guray

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews