Duuliyihii Diyaarada Qadar Airways Ka Hadlay Halis Ay Ku Galeen Hawada Somaliya Kadib Markii Maamulka Hawada Ee Muqdisho Siiyeen Amaro Khaldan!
February 28, 2024 - Written by admin
Sida uu baahiyay Telefishanka Al-Jazeera, Maamulka Diyaaradda Qadar Airways ayaa sheegay in mid kamida Diyaarahadoodu ay halis ku gashay Meel ku dhaw hawada Soomaaliya kadib markii qof ka tirsan maamulka Hawada ee Soomaaliya, ee fadhigeedu yahay Muqdisho uu ku hagay dariiq ay ku jirtay diyaarad kale oo Itoobiya laga leeyahay.
