Madaxweynihii Hore ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Ilay Iyo Gabadh La Xidhnayd oo La Siiddaayey
March 15, 2024 - Written by admin
Madaxweynahii hore ee dowlad-deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa maanta laga sii daayay Xabsi ku yaala magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ku xidhnaa illaa bishii Ogoosto ee sannadkii 2018-kii.
Raxma oo ahayd Xildhibaanad ka tirsan Barlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa sidoo kale ahayd Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Carruurta.
Waxyaabaha ay horay dacwado oogayaashu ugu soo eedeyn Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa ka mid ahaa in uu ku lug lahaa abaabul dhallinyrada ‘Heego’ – oo sida la sheegay dhibaato markaas ka abuuraysay deegaanka. Waxaana lagusoo oogay in uu masuul ka ahaa dhimashada 59 qof oo la dilay iyo 250 kale oo ku dhaawacmay xarumo dowladeed iyo kuwo diimeedna la burburiyay.
Waxaa ka kale oo la sheegay in la sii dayaya wiil yar oo la sheegay in uu ku eedaysnaa kiis kufsi ah oo loo gaystay gabadh Itoobiyaan ah, 4-tii Ogoosto 2018 kii, kadib qalalaasahii ka dhacay magaalada Jigjiga.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ahaa madaxweynahii Dowladda Deegaanka Soomaalida tan iyo 2010-kii, isagoo horey inta uusan noqonin madaxweynahana u ahaa Hoggaanka Nabadgelyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.