berberatoday.com
Libaax Socoto Duurgal Ah oo Lagu Arkay Galbeedka Caasimada Hargeysa
March 16, 2024 - Written by admin
Libaax ( Aar ) loo malaynayo inuu socoto yahay oo dibad gale ah ayaa xalay fiidkii lagu arkay galbeedka caasimadda, inta u dhaxaysa malawle iyo hargeisa gaar ahaan laagta loo yaqaan ( kalawley ).
Xogta libaaxan oo xalay ay ilasoo wadaageen dad ka mid ah ehelkayga oo uu gurigooda oo nawaaxigan ah toos usoo abaaray inkastoo aanu dhibaato u geysanin ayaa waxay mar labaad saaka ii sheegeen isla qoyskaasi inay arkeen dad kale oo xalay si kedisa ula kulmay libaaxan.
Sida la qiyaasayo bahalkani uma muuqdo inuu yahay dad qaad inkastoo aan la isku hallayn karin waxaana dad badani sheegaan in sanad kasta xilliyadanoo kale la arko libaaxyo socoto ah oo marmar raxan ama dhawr ah kuwaasoo ka yimaada deegaanada hawdka ee kililka shanaad ee ethiopia iyo meelo ka shisheeya iyagoo usii jeeda dhinaca xeebta somaliland gaar ahaan woqooyiga hargeysa una doonta geed la yidhaahdo ( qurjeen ) oo libaaxa iyo dadkuba dawo ahaan u cunaan, waxaana la mala awaalaa in marka libaaxu geediga noocana ku jiro aanu geysanin dhibaato dad iyo mid duunyo, isagoo ilaalinaya dariiqa uu geedkan u marayo godobna iska ilaalinaya, taas bedelkeedana uu ugaadhsado duurjoogta kale ee ku nool deegaanada uu ukala gooshayo.
Ugu danbayn waxaan ku baraarujinayaa dadka deegaanadan iyo meelaha la xidhiidha ku nool inay feejignaadaan.
Xigasho Axmed Cismaan Batuun

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews