Askari Katirsan Ciidanka Asluubta Berbera oo Wiil Dhalinyaro Ah Ku Toogtay Xabsiga Iyo Sababta Keentay
March 18, 2024 - Written by admin
Askari ka tirsan Ciidanka Asluubta ee xabsiga Berbera ayaa toogtay Qudhana ka jaray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Khaalid Maxamed Saalax oo qado usiday qof ku xidhan Xabsiga oo aan xami karin Soonta xanuuno uu qabo Awgood Siday ay sheegayaa xogta aanu helay,
Sababta dilka keentay ayaa lagu sheegay in askariga iyo Marxuunku ay is af dhaafeen ka dibna xabad uu ku dhuftay Askarigu taas oo ka haleeshay sababada isla halkiina uu ku qudh Baxay.
Maydka Marxuunka ayaa la geeyey Cisbitaalka Berbera.
Askarigii dilka geystay oo ahaa nin weyn oo Odaya lagu magacaabo Rooble ayaa markuu dilku dhacay qorigii tuuray oo Jeelka ka baxsaday ilaa hadana lama hayo Waxase islamarkiiba ka hawl galay raadintiisa Ciidamada Booliska Berbera.
Goobta dilku dhacay ayaa ahayd afaafka hore ee Xabsiga laga galo oo Askarigi ilaalo ka ahaa halka wiila la toogtay oo da,diisa lagu qiyaasay dhawr iyo labaatan jir.