“Aadmigu Way Jili Karaan Waxaanay Ahayn, Laakiin Dhab Ahaan Uma Noqon Karaan Waxa Ay Jilayaan”Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame
March 18, 2024 - Written by admin
Hoggaamiyihii maafiyada Crips ee magaciisu ahaa Stanley Williams, laba nololood oo aad isaga soo horjeeda ayuu is garab waday — dharaartii waxa uu ahaa nin da’yarta kala taliya dhibta maafiyada, habeenkiina waxa uu ahaa hoggaamiyaha maafiyada loo yaqaano Crips, oo waqtigaa dagaal dil iyo dhiig daadis ah kula jirtay koox kale oo maafiyo ah oo la odhan jiray “The Bloods.”
1979-kii ayaa loo xidhay inu afar qof dilay. 1981-kii ayuu qirtay isla markaana dil lagu xukumay. Labaatan sanno oo uu xabsi ku jiray ka dib, Stanley Williams 2005-tii ayaa dil lagu fuliyey dunidana laga ambabixiyey.
Waxan sheekadan ugu gol leeyahay, aadmigu way jili karaan wax aanay ahayn, laakiin dhab ahaan uma noqon karaan waxa ay jilayaan.
Waxa qoray Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame.