Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Jsl Oo Dhexdhexaadiyay Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasiirka Ciyaaraha Iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta!
March 21, 2024 - Written by admin
Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arimaha dastuurka Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa kulan uu dhex dhexaadinayo Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Mudane Fuaad Axmed Cali ayaa la iskula qaatay inay arintaasi ku dhamaato qanuunka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha u yaala oo hada Gudiga Uu Wasiirku u saaray ay gacanta ku hayso.
