berberatoday.com
Munaasibad aroos oo ka dhacday Magaalada Hargaysa, looguna barigaayay Xamse Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Marwadiisa Caasha Ismaciil Nuur Ducaale, ayaa ahayd mid kulmisay Wajiyaal muddo dheer aan indho iska qaadin.
August 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Munaasibad aroos oo ka dhacday Magaalada Hargaysa, looguna barigaayay Xamse Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Marwadiisa Caasha Ismaciil Nuur Ducaale, ayaa ahayd mid kulmisay Wajiyaal muddo dheer aan indho iska qaadin.
Xafladan arooska oo dhacday Hoolka Green Plaza, waxa martiqaadkeeda laha Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo isagu ah aabaha dhalay caruuska, waxaana ka soo qayb galay, Garabka Isbahaysiga Xisbiga KULMIYE, oo dabcan uu ka tirsanyahay Ex. Wasiir Xirsi, xubno kamid ah Golaha Wasiirada oo ay waayaha qaar kawada tirsanayeen Xukuumadda, kuwaas oo aanay badidooda indho iska qaadin tan iyo bishii tobnaad ee sannadkii 2015, wakhtigaas oo ahayd markii ay xillalka iska casileen, Saladiin caan ka ah Somaliland, qaar kamid ah Ganacsatada waa weyn ee dalka, Xildhibaano labada Gole Baarlamaan ka tirsan, Culimada, qurbajoog iyo dadweyne kale.
Xaflada oo ahayd hadhimo sharafeed aroos, waxay xubnaha ku kulmay laga dareemaayay qaarkood muddada dheer ee aanay is arag. Waxaana qadada kadib hadalo ka jeediyay, xubno kamid ah haldoorka Somaliland kuwaas oo ay kamid ahayeen. Sheekha caanka ah ee Sheekh Aadan Xaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre, xubno Golaha Wasiirada Somaliland kamid ah oo aynu ka xusi karno Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaji Cali Cadami.
Sidoo kale Guddoomiyaha Sherkada weyn ee Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa kamid ah haldoorkii munasibadaas hadalada ducada ah ka jeediyay.
Xafladan Aroos ee Xamse Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Caasha Ismaciil Nuur Ducaale ayaa ahayd mid siweyn losoo agaasimay. Bahada Berberatoday Media Group, waxay lamanahaas u dirayaan Hanablyo mugweyn.
COMMENTS
|