Xildhibaan Sanbaloolshe Oo Markale Loo Magacaabay Agaasimaha Haayada Sirdoonka Somaliya Ee NISA
April 5, 2024 - Written by admin
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Agaasime cusub oo ay yeelatay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA, xilkaas oo loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sanbaloolshe kuma cusba xilka maanta loo magacaabay oo wuxuu horay u soo qabtay labo jeer oo kala ah 2014 iyo 2017, wuxuuna beddelayaa Mahad Maxamed Salaad oo xilkan hayey tan iyo August 2022.