Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Jsl Oo Madaar Cigaal Kusoo Dhawaysay Wafti Ka Socda Dalka Ingiriiska!
April 6, 2024 - Written by admin
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland marwo Rooda Jaamac Cilmi oo uu weheliyo wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayax-weerar) ayaa gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal ku soo dhaweysay wefti heerkiisu sarreeyo oo ka socda dalka boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimi dalka Somaliland.
