3 Caruura oo Walaalo Ah oo Ku Geeriyooday Biyo Daad oo Ku Qaatay Deegaanka Xididaalay ee Bariga Gobolka Saaxil
April 20, 2024 - Written by admin
Sadex caruur ah ayaa ku naf waayey daad kasoo rogmaday Roobab xoogan oo ka dayey deeganka xididaalay ee Degmada Laasciidle ee Gobolka Saaxil.
Roobabka ayaa gelinkii dambe shalay iyo habeenimadii xalay ka dayey deegaankaasi
Gudoomiyaha degmada laasciidle Aadan Cumar Cali ayaa noo sheegay inay daadkan oo kasoo rogmaday buuralayda koonfurta laasciidle inay sababeen dhimashada 3 caruur oo ku suganaa gurigooda oo kuyaalay baadiyaha deeganka xididaalay , sidoo kale waxaa sheegay inay doodku qaateen xoolihii oo kujiraan Awrtii la raran-jiray .
Waxa uu intaasi raaciyey inay daadkan ka badbaadeen ilaa shan qof oo kale oo ay qaateen , gudoomiyuhu waxaa sheegay inay wadaan tira koob ku saabsan khasaraaha,
Deegaanka Xididaley ee katirsan Degmada Laasciidle ee Gobolka Saaxil waxaa galabta lagu aasay sadex caruura oo walaalo ah oo daadku xalay ku qaaday deegaankaasi.