|
berberatoday.com
Caanaha Nido ee Shirkada Nestle Soo Saarto oo Laga Digay Halistooda Caafimaad
April 20, 2024 - Written by adminwaxa qorey #Jamac Shube
Saw maad arag caruur aad u yar yar oo qaba xanuunka macaanka iyaga oo aan waalidkood lahayn? Ma is waydiisay waxa hadda keenay ee sannadadii hore loo arki waayey?
Haddaba adduun yaab kama dhammaadee, sida lagu sheegay warbixin uu Arbacadii daabacay wargeyska caanka ah ee The Guardian, waxa la ogaaday in shirkadda Nestle ee soo saarto caana Naadigo ay dalalka faqiirka ah u soo dhoofiso caano Niido laga soo buuxiyey sonkor si loo yareeyo maaddooyinka kale tayda leh ee caanaha kagu dari lahaa.
Waxay lee yihiin markii shay baadh la geliyey caano Niido laga soo qaaday dalalka horumaray iyo kuwa Galbeedka waxa la ogaaday in daasaha Afrika ay yihiin sonkor la moor gareeye oo aanay caanoba ahayn!
Warbixinta in dalalka baadhitaanka lagu sameeyey ee caanaha bilaa tayda ah loo dhoofiyey ay ka mida Bangaladhiish Hindiya, Baakistaan, Koonfur Afrika, Itoobiya iyo Taylaan.
Daasad walba oo caano Niidooya oo waddamadan loo dhoofiyo waxa laga helay 6 Garaam oo sonkora taas oo kaba badan xaddigii naqada ee ku jiri lahayd.
Tani waxay sababtay in caruurta caanahan la siiyo ay ku dhacaan macaan iyo in ay si daran u naxaan iyaga oo yar yar!
Shirkadda waxay leedahay faddeexaddu maaha mid been ah waxannuse ku dedaalaynaa in aannu dib u saxno, waa goorma waa goor ciyaalkii sonkor laga dhergiyey!
Nestle oo ah shirkad caana baa sidaa samaynaysee ka warran kunka shirkadood ee aan lahayn tix raac? Imisa sun oo kale ayay ka soo buuxin karaan?
Khubarada cuntadu waxay ku talinayaan in caruurta la siiyo naaska hooyada oo laga fogeeyo caanaha moorsan ee la keeno waddamada Faqiirka ah.
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||