Turkiga oo Markab Dagaal Usoo Diray Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
April 23, 2024 - Written by admin
Turkiga oo Markab dagaal u soo direy Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in dushiisa lagu saxiixayo heshiiska dhinaca Badda ah oo dhex mari doona Dawlada Muqdisho iyo Turkiga.
Turkiga ayaa la sheegayaa inuu difaaci dono xeebaha Koonfurta Somaliya sidoo kalena dhisaya ciidanka badda Soomaaliya, ka faa’ideysiga kheyraadka kalluumaysiga iyo shidaalkuba kama madhna, sida laga sheegayo heshiiska