Wasiirka Maalgashiga Somaliland Oo Kormeeray Mashaariic Waawayn Oo Shirkada Oomaar Ka Hirgalisay Magaalada Berbera”Daawo Muuqaal
April 24, 2024 - Written by admin
Wasiirka maalgashiga iyo warshadaha Somaliland ayaa maanta kormeer u tagay mashaariic waawayn oo shirkada oomaar Company ka hirgalisay magaalo xeebeeda berbera kuwaasi oo qaarkood dhamaadeen qaarna ay wali socdaan dhismahoogii
Shirkada Oomaar International Company ayaa magaalada berbera ka hirgalisay shan mashruuc oo waawayn kuwaasi oo ay ku baxeen malaayiin dollar kala ah warshada jiingada, warshada daqiiqda, warshada konkoraydka, maamaha kaydka shidaal iyo haamaha kaydka saliida.
Sidoo kale masuul katirsan shirkada oomaar ayaa ka warbixiyay mashariicday ka hirgaliyeen berbera