Somaliland Oo Si Ballaadhan Ugu Mahadcelisay Xildhibaan Ka Tirsan Senateka Maraykanka
April 30, 2024 - Written by admin
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bogaadiyay xildhibaan James E. Risch oo ka tirsan golaha Senateka Maraykanka oo taageeray dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururradda siyaasadda ee loo cayimay inay Somaliland ka qabsoomaan 13ka November 2024.
