“Halbawlaha Maraakiibta Iyo Haabadiyo Boodhka Somaliland Waa Mid U Irmaan Hal Iyo Taariikhe, Horu Jireba Nagu Soo Maryoo Haajiroo Noqoye Ninkii Maanta Soo Haybiyaw Haan Gunlaa Tahaye”Abwaan Abubakar Xasan Jaamac, Daawo Muuqal
August 4, 2016 - Written by Berbera Today
“Halbawlaha Maraakiibta Iyo Haabadiyo Boodhka Somaliland Waa Mid U Irmaan Hal Iyo Taariikhe, Horu Jirebe Nagu soo Maryoo Haajiroo Noqoye ninkii Maanta Soo Habiyaw Haan Gunlaa Tahaye, habilaawe Waa Midaan Lahayn Himila Dheeraade”Abwaan Abubakar Xasan Jaamac

Berbera(Berberatoday.com)-Abwaan Da yar oo Layidhaa Abubar Xasan Jaamac oo kamida Bulshada reer Berbera gaar ahaan Xamaalka dekeda Berbera ayaa xaalada dalka somaliland maanta marayo gaar ahaan Kireynta Dekeda Berbera iyo ilaha dhaqaalaha dalka ee la boobayo iyo Halgankii adkaa ee dalka loo soo maraya ku cabiray laba gabay oo lakala yidhaa Mahiigaan Iyo Hamigii Dalkayga. waxaanu abwaanku si qota dheer ugaga hadlayaa gabaydiisa xaalada maanta taagan ee dalkii iyo Ilihii dhaqaalaha oo la wada xaraashay iyo Dekeda oo hada uu dilaalkeedii dalka isutaga imiraatka carabta laga soo qaatay.