berberatoday.com
Muuqaal Lagu Baahiyey Internet-ka Oo Indhaha Dadweynaha Ku Jeediyey Nin 20 Sano Geed Ugu Silsiladeysnaa Xanuun Dhimirka
August 4, 2016 - Written by Berbera Today

Dad Uu Ka Oohiyey Muuqaalka Laga Duubay Ninkan Xanuunsanaya Oo Lacago U Diray, Daawooyin La Siiyey Iyo Xaaladdiisa Caafimaad Ee Wakhtigan

Burco(Berberatoday.com)- Aadan Dhego-soog Maxamed oo ah Nin Xanuunka Dhimirka qabay Muddo ka badan 20 Sannadood isla-markaana ku silsiladeysnaa Geed ku yaalla Magaalada Burco, ayaa waxa u kacay Dadweynaha Kheyrka jecel, ka dib markii uu Dhibaatada haysata soo bandhigay Weriye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo caan ku ah soo bandhigidda Dadka tabaaleysan.

Ninkan Xanuunsanaya oo labadiisa Cagood mid loo jaray dhaawac ka soo gaadhay Silsiladdii Geedka ugu xidhnayd awgeed, ayaa waxa Xaaladdiisa oo argagax lahayd ka damqaday Cid kasta oo Daawatay Muuqaal uu ka soo duubay Weriye Coldoon, kaasi oo Afar Maalmood ka hor lagu baahiyey Internet-ka.

Alle Caafimaadkiisa ha u soo Celiyee Cabdillaahi Aadan Dhega-soog oo Xaaladdiisa Caafimaad soo wanaagsanaatay ka dib markii Dhakhtar dhinaca Dhimirka ahi u bilaabay Daawooyin, ayaa waxa Lacag Gargaar ah looga soo kala diray Daafaha Caalamka, waxaana laga furay Geedkii uu ku xidhnaa Muddada dheer, waxaana loo kireeyay Guri ku yaalla Magaalada Burco, halkaasi oo uu hadda ka dib ku hayn doono Walaalkii oo hore awood ugu la’aa, Maaddaama oo yahay Nin Danyar ah oo Heysta 8 Carruur ah iyo Hooyadood oo uu ku biilin jiray Wastaadnimo Maalinna la helo Maalinna la waayo.

 Xaaladdii Hore ee Cabdillaahi Aadan Dhega-soog

Weriye Cabdimaalik Coldoon, ayaa Xaaladdii hore ee Ninkan, halka uu ku xanuunsaday, siday u daryeeli jireen iyo Xaaladdooda dhaqaale Qoys ahaan ka Wareystay Koraad Faarax Aadan oo Ninka Xanuunsanaya ay Dumaashiyo yihiin.

Koraad oo ugu horeyn ka hadlaysa Xaaladda Cabdillaahi Dhega-soog ayaa tidhi, “Ninkani oo ah Dumaashigay dhowr iyo labaatan Sannadood ayuu sidan ahaa (Maskaxda ka xanuunsanayaa) waxaanu ku xanuunsaday oo uu ku xidhnaa muddo 7 Sannadood ka soo wareegtay (Intaan loo soo wareejin Burco) muddadaana Waxba looma qabanin oo Awood baa loo waayay. Lugbaa go’ay markii uu Gaangari ku noqday dhaawac ka soo gaadhay Silsilidda Geedka ugu xidhan, Lugtii kalena waxay ku dhowdahay inay Go’do.”

Marwo Koraad waxa kale oo ay sheegtay, “Ehelkiisu wuu dhamaaday, Ninkaa Haya mooyaane (Walaalkii), Hooyadiina waa Islaan weyn oo Miyiga ayay joogtaa, Laba Dumar ah oo way Walaalo yihiin Magaalada Burco ayay deggan yihiin, laakiin waxba (Ma haystaan).

Warka Ninka Xanuunsanaya

Haweenaydan ay Dumaashiyaha yihiin Ninkan Xanuusanaya, waxa kale oo ay sheegtay inay dhibaato ka haysatay Cunto siintiisa, Maaddaama oo uu Daadinayo Raashinka haddii gacanta looga dhiibo, “Raashinka waxaan ugu ridaa Gacanta ama Afkaan ugu ridaa, haddii kale wuu daadinayaa.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in haddii Geedka laga furo uu dhibaato geysanayo, “Waxaanu Geedka uga furi waynay dhibaatada uu geysanayo, Dadka ayuu shiidayaa iyo Meheradaha, markaa dhibaatada uu geysanayo annaguna awood uma lihin.”

Koraad Faarax Aadan waxa kale oo ay sheegtay in Ninkan loo keenay Lugta oo aad u bararsan markii la Geeyay Cisbitaal ku yaalla Burco-na loo sheegay in dhaawacii ka soo gaadhay Silsilidda ku xidhnayd ku noqday Gaangari, sidaa daraadeedna loo jaray Lugta.

 Maxaa Iska Beddelay Xaaladda Caafimaad Iyo Nololeed Ee Dega-soog ?

Cabdillaahi Aadan Dhego-soog Maxamed oo Muddo dheer xanuunsanayey, ayaa Xaaladdiisa Caafimaad ka soo reysay, ka dib markii Daawooyin dhanka Maskaxda ah uu Afar ilaa Shan Maalmood ka hor u bilaabay Dr. Aadan oo ah Dhakhtarka Maamula Waaxda Xanuunnada Dhimirka ee Hay’adda Manhal, kaasi oo ku sugan Magaalada Burco.

Dr. Aadan oo Xaaladda Caafimaad ee Cabdillaahi ka warramay ayaa rejo ka muujiyey in Alle (SWT) ka dul-qaado, isagoo ballan-qaaday inuu si maalin leh ah Xaaladdiisa uga war-heynayo oo uu ula soconayo wixii hadda ka dambeeya.

Dadku Siduu Uga Damqaday Xaaladdiisa ?

Muuqaallada laga duubay Ninkan, ayaa Argagax ku riday Dadkii daawaday oo dhan, taasina waxay keentay in Dadka qaarkood oo ku kala sugan daafaha Caalamku la xidhiidhaan Weriye Cabdimaalik oo Duruufta Ninkan soo bandhigay, iyagoo u soo diray Lacago ay ugu talo-galeen in Xarun Caafimaad lagu geeyo Cabdillaahi Dheg-soog.

Dadka ka naxay Duruufta Nololeed iyo Caafimaad ee Ninkan ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa oo u soo diray Lacag 1000 doollar ah, isagoo sidoo kalena ballan-qaaday inuu si weyn uga qayb-qaadan doono dedaallada la doonayo in Caafimaadka Ninkan lagula tacaalo.

Sidoo kale, Dad badan oo daawaday dhibaatada Caafimaad ee haysata Ninkan ayaa ballan-qaaday inay ka qayb-qaadanayaan Dedaalka loogu doonayo Caafimaadka, kuwaasi oo ay ku jiraan Tolkiisa Guud oo sheegay in aanay hore uga war-qabin Xaaladda Caafimaad ee Cabdillaahi Dhego-soog.

Warka Ninka Xanuunsanaya - Copy

Cabdillaahi Dhego-soog, ayaa Geedka uu ku silsiladeysnaan jiray Habeen, Maalin, Cadceed iyo Qabowba, iyadoo ay Habeenkii ehel u ahaayeen Dugaagga oo ILAAHAY ka ilaalinayey dhibaatadooda, laakiin soo bandhigga Xaaladdiisa Caafimaad ka dib, waxa laga furay Silsiladdii, Jidhka ayaa loo maydhay, waxa loo geliyey Dhar cusub, waxaana goobtii lagaga qaaday Gaadhi, waxaana la geeyay Guri loo kireeyay, kaasi oo loo dhigay Furshaan, Bustayaal iyo Agabkii kale ee uu u baahnaa, halkaas oo uu hadda ka dib ku hayn doono Walaalkii.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews