“Heshiiska Dekada Berbera Waa Xaaran Maqdac Ah , Waana Dabin Loo Dhigaayo Dawlada Ka Danbeysa Tan Kulmiye ” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde
August 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu si adag uga hadley heshiiska Wareejinta dekada Berbera
Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in heshiiska ay xukuumada Somaliland la soo gashey shirkada DP World uu yahay mid xaaran ah isla markaana loogu talo galay in uu carqalad ku noqdo xukuumada ka danbeysa tan kulmiye ee hada talada Haysa