Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Oo ka Warbixiyay Talaabooyin Cusub Oo ay Kusoo Kordhiyeen Ilaalinta Imtixaanka Shahaadiga Ah
June 5, 2024 - Written by admin
Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Qaranka JSL, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah lagu soo kordhiyay inay ilaaliyaan sannadkan macalimiinta Jaamacadaha dalku.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay in la joojiyay qorshihii ahaa in ardaydu ay imtixaanka ku galaan xarumaha jaamacdaha, waxaanu sheegay in taas baddelkeeda ay ku galayaan goobahoodii hore ee iskuulaadka.