230 Sarkaal oo Ciidanka Booliska Somaliland Katirsan oo Toobabar Uga Furmay Jaamacada Ciidanka Booliska Itoobiya ee Hawassa
June 8, 2024 - Written by admin
Dufcadii 1-aad oo tiradoodu gadhayso 230 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Booliska JSL ayaa tababar uga furmay Magaalada Hawassa ee Dalka Ethiopia , Tababarkan oo daba-socday heshiisyo ay kala saxeexdeen Taliyayaasha Ciidamada Booliska JSL iyo Ciidamada Booliska Federal Ethiopia 26-4-2024.
Tababarkan oo socon doona muddo Lix bilooda ah waxa lagu bari doonaa Ka-hortaga rabshadaha , baadhista Dambiyada , nabadgelyada waddooyinka , la dagaalanka Argagixisada iyo Ilaalada madaxda .
Waxaana Tababarka Ciidanka u furay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Ethiopia ahna Madaxweynaha Jamaacadda Booliska Itoobiya Lt. Gen Mesfin Abebe iyo Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen.Cabdi Axmed Tiir.
Ugu dambayn Ciidanka Booliska JSL iyo Ciidanka Booliska Ethiopia ayaa u bilaabmay xidhiidh Qotodheer kaasi la xidhiidha iskaashiga dhinaca wada shaqaynta amniga iyo tababarada.