Doorashada Baarlamaanka Yurub Iyo Xaaladaha Ku Gadaaman W/Q Axmed Kediye
June 9, 2024 - Written by admin
Doorashada Baarlamaanka Midowga Yurub.
27 dal oo Midowga Yurub ka tirsan ayaa Baarlamaanka Midowga dooranaya, 6-da June illaa iyo 9-ka June.
Jarmalka beri oo Axad ah (9-ka June) ayay ku aaddan tahay maalinta codeynta.
Midowga Yurub oo 27 dal ka kooban waxaa ku nool ku dhawaad 450 Milyan oo qof.
Waxaa ugu dhul weyn Faransiiska, waxaa ku xiga Spain iyo Sweden.
Waxaa ugu dad badan Jarmalka, waxaa ku xiga Faransiiska iyo Talyaaniga.
Shacabka hantida ay heystaan markii laga hadlo, waxaa ugu hanti badan dadka Luxembourg.
Aan dhanka Doorashada usoo laabano.
720 Xildhibaan oo Baarlamaanka Midowga Yurub ka tirsanaan doona ayaa la dooranayaa, kuwaasoo 96 kamid ah ay Jarmal yihiin.
Jarmalka waa waddanka ugu xildhibaanada badan midowga Yurub, maadaama tirada shacabka marka laga hadlo uu ugu dad badan yahay 27da dal ee Midowga Yurub ka tirsan.
Malta, Luxembourg & Qubrus oo kale maadaama ay dad yar yihiin mid walba 6 xildhibaan ayuu ku leeyahay midowga Yurub.
Muddada xildhibaanada la dooranayana waa 5 sano.
Su’aal: Ma codeyn doontaa maalinta beri ah, mise?