Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti Baladhan uu Hogaaminayo U Ambabaxay Dalka Itoobiya
June 28, 2024 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu horkacayo ayaa maanta oo jimce ah ka duulay garoonka wayn ee cigaal international Airport iyaga oo ku sii jeeda caasimadda wadanka Ethiopia ee Adis Ababa.
Lama xaqiijin karo sababta rasmiga ah ee uu Madaxweynuhu ugu baxay Ethiopia balse wararka maalmihii udambeeyay laysla dhex maraayay ayaa tilmaamay in Madaxweynuhu u amba baxayo dhamaystirka heshiiska MOU oo sanadkan bilawgiisii Somalilamd iyo Ethiopia Adis ababa ku kala saxeexdeen kaas oo dhigaayay in Dawlada Itoobiya Somaliland siiso Aqoonsi Caalmiya halka Itoobiya ay helin doonto Saldhig ciidan oo bada ah kaas oo masaafadiisu noqon doonto 20KM
Berberatoday.com