Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Usameeyay Siyaasi Xasan Macalin Oo Xisbiga Kusoo Biiray M
July 25, 2024 - Written by admin
Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Masuuliyiin kamid ah Xisbiga,ayaa habeenkii xalay ahaa ka qayb-galay xaflad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayey siyaasi Ex Wasiir Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin),kaas oo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga rejada shacabka ee WADDANI Munaasabadan sharfan ee lagu soo dhaweynayey Ex Wasiir Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo kamid ah siyaasiyiinta waa weyn ee dalka ayaa lagu qabtay Hoyga Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro.