Haweenka Caanaha Xoolaha Ka Ganacsada ee Berbera oo Goob Ugaara Loo Dhisay Loona Qalabeeyay.
July 30, 2024 - Written by admin
Haweenka ka ganacsada iibka caanaha xoolaha oo hore caanaha ugu iibin jiray goob dhir hoosteeda oo ku dhaw sariibada Berbera islamarkaana dhibaato weyn ku qabay cadceeda kulul ee xeebta Berbera,dabaysha xagaaga iyo dhulka ay caanaha ku iibin jireen oo mulkigiisa dad shacab ahi leeyihiin habeen iyo maalinbana ugu hanjabi jiray inay uga guuraan dhulkooda ayaa dawlada hoose ee Berbera Iyo haayada Jarmalka ah ee GTZ oo iskaashanayaa udhiseen dhisme weyn oo loo qalabeeyay oo ay caanaha ku gadaan
Haweenka caanaha iibiya oo ubadan hooyooyin caruur korsada kuna biila waxbarashadana kaga bixiya ayaa dhibaatada ugu weyn ay ka caban jireen aheyd caanaha ku soo hadha ee iibsami waaya oo ka dhanaani jiray kana xuman jiray qaboojiye la,aan awgeed hadase goobta waa loo qalabeeyay Waxa loo dhigay oo midi kasta lasiiyay Talaagado ugaara oo caanaha ay ku keydasan karto ugana ilaalinaya inay ka xumaadaan waxaana halkaas ay ka heleen isbedel dhaqaale oo kor uqaaday Faa,iidada soo galaysa oo korodhay.
Haweenkan oo inta goobtan loo dhisay tiradooda tahay 65 haweena midkastana lasiiyay talaagad ugaara oo korontaduna bilaash utaahay ayaa umuuqda kuwo ku faraxsan oo dhaqaale ahaana isbaedel sameeyay.
Maxamed Cabdillahi Soofadhiiste